Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo sheegtay “shaqada uu qaban jiray injineerkii Turkiga ee ay maanta beegsatay”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu dilay Injineer Turkish ahaa, islamarkaana ay ku dhaawacmeen Soomaali ku sugneyd goobta.

Qaraxa ayaa ahaa nooca Dhejiska waxaana lagu xiray gaari HILUX ah oo uu watay Injineer Turki ah, iyadoo si gaar ah gaariga ugu qarxay ka soo horjeedka Jaamacada City ee Magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Al-Shabaab ayey ku sheegtay in ninka la dilay uusan ahayn Ijineer balse uu ahaa sarkaal ciidan oo ka howl-gali jiray saldhigga Turkiga.

“Al-Shabaab ayaa qarax ku dilay sarkaal ka tirsan dowladda Turkiga oo ka howlgelayay saldhigga Meleteri ee Turkigu ku leeyihiin magaalada Muqdisho.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Injineerka Turkiga oo dhaawac ahaan goobta looga qaaday, ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Turkidu Maamulaan ee Digfeer, halkaas oo xaaladiisa Caafimaad lagula tacaalayay.

Al-Shabaab ayaa sababta ay u beegsatay injineerka ku sheegtay inuu ka mid ahaa saraakiisha saldhigga milatari, hase yeeshee ma jiraan wax caddeymo ah oo muujinaya in Injineerku uu ahaa ciidamo.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay bartilmaameydsan doonaan saraakiisha kale ee u dhashay dalka Turkiga kuwaasi oo ku sugan magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay qoraalka Al Shabaab.

Al-Shabaab ayaa ku eedeysay dowladda Turkey inay qeyb ka yihiin dowlado ay sheegeen inay duulaan ku yihiin dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this