Sign in to follow this  
Deeq A.

Injineer U Dhashay Dalka Turkiga Oo Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xooggan oo maanta duhurkii ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Taleex iyo KM4 ee wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho

55A699BB-3078-4C7D-B711-6AA7E6DE749A_cx0

Sida wararku sheegayaan qaraxa waxa uu qabsaday gaadhi nooca loo yaqaano HILUX, iyadoo jugta qaraxa laga maqlay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.

Inta la ogyahay waxaa qaraxaasi ku geeriyooday Injineer Turki ah oo watay gaadhiga, kaasoo dhaawac ahaan ugu geeriyooday Cisbitaalka Digfeer.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya nooca qaraxa, wararka qaar waxa ay sheegayaan inuu ahaa nooca gaadhiga lagu dhejiyo, halka warar kalena sheegayaan inuu ahaa miino wadada dhinaceeda la dhigay.

Ciidamada ammaanka oo gaadhay goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa baadhitaan ka sameeyay goobta, iyagoo su’aalo weydiiyay howlwdeenadii ay marxuumka wada shaqeynta lahaayeen

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this