Sign in to follow this  
Deeq A.

Suxufi caana oo loo magacaabay af-hayeenka xukuumadda Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1557667777649-1.jpg?w=1000&ssl=1Af-hayeenka cusub ee Puntland Jaamac Dabaraani

Madaxweynaha dowladda Puntland, siciid Cabdullaahi Maxamed ayaa galabta magacaabay, af-hayeenka cusub ee xukuumadda Puntland.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland, ayaa af-hayeenka xukuumadda lagu magacaabay, Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani) oo kamid ah suxufiyiinta ugu caansan degaannada Puntland.

Jaamac oo sidoo kale ah agaasimaha guud ee warbaahinta Dabaraani Media Inc, ayaa khibrad dheer u leh xirfadda saxaafadda isagoo ka soo shaqeeyay warbaahinno kala duwan.

Magacaabistiisa ayaa loo arkaa mid wax badan ka beddeli doonta, xiriirka saxaafadda madaxa-bannaan iyo xukuumadda Puntland oo waayadan dambe sii xumaanayey.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Suxufi caana oo loo magacaabay af-hayeenka xukuumadda Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this