Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo Garoowe ka saagootiyay Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee caasimadda Garoowe ku Sagootiyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo muddo sagaal cisho ah Garoowe u joogay shirkii Wada-tashiga madaxda Soomaaliyeed.

Sagootinta wefdiga madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa qayb ka ahaa madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib ugu noqday magaalada Muqdisho kadib markii uu fashil ku dhammaaday shirkii Wada-tashiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ee Garoowe lagu qabtay.

Halkaan ka eeg sawirada saagootinta

FB_IMG_1557661807392.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1557661826964.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1557661812544.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1557661817212.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1557661821694.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1557661855989.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1557661860452.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Deni oo Garoowe ka saagootiyay Farmaajo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this