Sign in to follow this  
Deeq A.

Wadajir iyo Waabari oo caawa ku Tartamaya Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN ) – Degmooyinka Wadajir iyo Waabari oo ku wada jira Group-ka C ayaa caawa ku baratami doona tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Waa labo degmo oo ka wada tirsan gobolka Banaadir, islamarkaana marar badan ka qeyb qaatay tartan aqooneedka faca weyne ee Idaacadda Shabelle.

Sidoo kale Wadajir iyo Waabari ayaa ah degmooyin ku fir firicoon dhinaca waxbarashada, waxaana tartamayaashoodu ay haatan muujinayaan dadaal xoogan.

Labadaani degmo ayaa u dambeeya Groupka C ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Xalay oo ay wada kulmeen deegaanka Bargaan ee gobolka Galgaduud iyo degmada Shibis ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay galeen barbar dhac.

Sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waxaa taaba gelinaya Shirkadaha BECO iyo Coca-Cola.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this