Deeq A. Posted May 12, 2019 Muqdisho (SMN ) – Degmooyinka Wadajir iyo Waabari oo ku wada jira Group-ka C ayaa caawa ku baratami doona tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan. Waa labo degmo oo ka wada tirsan gobolka Banaadir, islamarkaana marar badan ka qeyb qaatay tartan aqooneedka faca weyne ee Idaacadda Shabelle. Sidoo kale Wadajir iyo Waabari ayaa ah degmooyin ku fir firicoon dhinaca waxbarashada, waxaana tartamayaashoodu ay haatan muujinayaan dadaal xoogan. Labadaani degmo ayaa u dambeeya Groupka C ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Xalay oo ay wada kulmeen deegaanka Bargaan ee gobolka Galgaduud iyo degmada Shibis ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay galeen barbar dhac. Sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waxaa taaba gelinaya Shirkadaha BECO iyo Coca-Cola. View the full article Share this post Link to post Share on other sites