Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaari uu saarnaa Injineer u dhashay Turkiga oo Muqdisho lagu qarxiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa  kasoo baxaya Gaari lagu dhejiyey waxyaabaha qarxa oo ku qarxay inta u dhaxeysa agagaarka Isgoyska Taleex iyo km4 ee  Wadada Maka Al-Mukarama.

Gaariga ayaa goobjoogayaal waxa ay sheegeen in uu ahaa nooca loo yaqaano Hilux uu qarxay xilli uu marayay agagaarka Isgoyska Taleex,waxaana la sheegay in uu ka dhashay khasaaro kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Gaariga qarxay uu ku dhaawacmay  Nin u dhashay wadanka Turkiga oo saarnaa,sidoo kalena uu ku dhaawacmay qof kale oo Soomaali ah.

Wararka qaar aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in Ninka Turkiga u dhashay ee qaraxaasi ku dhaawacmay uu Injineer ahaa,waxaana gurmad u sameeyey Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo goobta gaaray.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay goobta uu qaraxa ka dhacay,kuwaasi oo xiray halkaasi,waxaana muddo kooban hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka Wadada,hayeeshee markii dambe dib ayuu u soo laabtay.

Waa Qaraxii ugu horeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya tan iyo markii ay bilaabay  bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this