Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahinta: Xukunka maxkamadda Garoowe ee kiiskii Caa’isha Ilyaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta go’aan ka gaartay dacwada ay xeer-ilaalinta Puntland ku soo oogtay toban nin oo ku eedaysnaa kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal Cabdinuur Jaamac Xuseen oo go’aanka ku dhawaaqay ayaa xukun dil toogasho ah ku riday saddex kamid ah eedaysanayaasha oo kala ah Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige.

Saddexdaasi nin oo xeer ilaalintu ku soo eedaysay in ay kufsi wadareed u gaysteen kadibna ay dileen Caa’isha Ilyaas oo ahayd gabar aan qaangaarin islamarkaana ay khal-khal gelin amni iyo sumcad-dil u keeneen dowladda Puntland.

Sidoo kale maxkamadda ayaa amartay in xorriyadooda dib loo siiyo todobada eedaysane oo kale kadib markii ay sheegtay in aan wax caddayma ah loo helin kiiska lagu eedeeyay.

PUNTLAND POST

The post Faahfaahinta: Xukunka maxkamadda Garoowe ee kiiskii Caa’isha Ilyaas appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this