Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag loo heysto Kiiskii Caa’isho yar oo lagu xukumay Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (SMN) – Maxkamadda darajada 1-aad ee G/Nugaal ayaa maanta xukun adag ku riday rag loo heysto kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isho Ilyaas oo 12 jir aheyd.

Illaa toban eedeysane oo lala xariirinayo falkaasi ayaa la soo hor istaajiyay fadhiga maxkamadda.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal Sheekh Cabdinuur oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sheegay in saddex ka mid ah raggaasi lagu helay Kiiska Caa’isho, halka 7 kale la sii daayay, kadib markii lagu waayey wax dambi ah.

Saddexda qof oo lagu xukumay dil toogasho ayaa kala ah Cabdifataax Cabdiraxman Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige.

Xukunkan ayaa waxa ay maxkamaddu sheegtay in uu ka furan yahay Racfaan, haddii aysan eedeysanayaasha ku qanacsaneen go’aanka maxkamadda.

25-kii Febraayo ee sanadkan ayey aheyd markii Marxuumad Caa’isho Ilyaas Aadan Meydkeeda la soo dhigay afaafka hore Gurigooda oo ku yaallay M/Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, inkastoo markii dambe Qoyskeedu ay isaga guureen halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this