Sign in to follow this  
Deeq A.

Pakistaan Oo Gidaar Dheer Ka Dhiseysa Xadka Ay La Wadaagto Dalka Iiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Pakistan)-Ciidamada millatariga Pakistaan ayaa sheegay in ay bilaabeen darbi dhirirkiisa gaadhayo 50-kilometer oo lagu xidhayo xadka u dhaxeeya Iiraan iyo Pakistaan si loo xoojiyo Amniga.

1557607045b7f5a.jpg

Moazzam Jah Ansari ayaa Jimcihii shalay ka hor sheegay xarunta baarlamaanka in mashruuca lagu dhisayo darbiga u dhaxeeya Gobolka Balochistan iyo Sistan iyo Baluchestan oo dhaca Iiraan lagu dhamestiri doono mudo sadex ama afar Sano Ah.

Dhanka kale sargaalkaan ayaa sheegay in milatariga Pakistaan ay howlgalo ka bilaabeen gobolka Balochistan oo ay ku dileen 15 Dagaalyahan.

Iiraan iyo Pakistaan ayaa bilaabay iskaashiga lagu xoojinayo amniga xadka labada dal kadib weeraro bilihii la soo dhaafay lagu dilay ciidanka amniga ee Dalalkaan.

Wasiirka arimaha dibeda Pakistaan Shah Mehmood Qureshi ayaa sheegay bishii la soo dhaafay in xukuumada Islamabad ay bilowday dadaalo lagu xoojinayo Amniga Xadkeeda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this