Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta Oo Muddo Labo Toddobaad Ah La La’yahay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Waxaa soo baxaya walaac ay qabaan shacabka dalka Kenya kadib markii labadii toddobaad ee la soo dhaafay aan Madaxweyne Uhuru Kenyatta lagu arag meel fagaare ah.

220px-Uhuru_Kenyatta.jpg


Uhuru Kenyatta ayaa makii ugu dambeysay waxa uu ka soo laabtay safar uu ku tegey dalka Shiinaha,waxaana baraha bulshada ay adeegsadaan shacabka Kenya hareeyay baafin ku saabsan halka uu ku dambeeyay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Waxaa lagu daabacay baraha bulshada baafin lagu doonayo in lagu ogaado halka uu ku dambeeyay Uhuru Kenyatta, iyadoo la soo daabacay #FindPresidentUhuru, mana ahan wax hore loogaga bartay Uhuru Kenyatta in laga waayo meel fagaare ah.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Madaxtooyada dalka Kenya oo ku saabsan xaalada Madaxweyne Kenyatta.

Hase yeeshee waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweynaha dalka Ethiopia Sahle-Work Zewde ay dhowaan booqasho ku tegeyso dalka Kenya.

War ka soo baxay safaarada dowlada Ethiopia ay ku leedahay magaalada Niarobi ayaa lagu sheegay in Zewde ay booqasho maalin ah ku tegi doonto magaalada Nairobi maalinta Talaadada ah ee soo socota.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this