Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamad Dil Ku Xukuntay Qaar Kamid Ah Raggii Loo Heystay Kufsigii Iyo Dilkii Caasha Ilyaas

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Garoowe)-Maxkamadda darajada 1-aad ee Gobolka Nugaal ayaa xukun dil ah ku ridday raggii ku eedaysnaa kiiskii Caasho Ilyaas Aadan oo sanadkaan horraantiisii kufsi iyo dil loogu geeystay magaalada Gaalkacyo.

106921318_7255dc22-7f9c-4a2b-b4e7-8935f3

Guddoomiyaha maxkamadda Sheekh Cabdinuur ayaa ku dhawaaqay xukunka.

Ragga la xukumay ayaa kala ah: Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah oo ay fulinayso dowladda Punland.

Maxkamadda ayaa sidoo kale fasaxday toddobo nin oo kale oo kiiskaan ku eedeeysnaa, kuwaas oo ay danbi ku wayday.

Garsooraha maxkamadda ayaa sidoo kele sheegay in ragga la xukumay ay haystaan bil racfaan ah.

Maxkamadaynta raggan ayaa dhowr jeer oo hore dib u dhacday ayadoo qareennaddii u doodayey ay codsadeen in waqti dheeri ah la siiyo.

Kiiska gabadhaan yar ee kufsiga iyo dilka loo gaystay ayaa caro weyn ka dhaliyey magaalada Galkacyo iyo guud ahaan deegaanada Puntland.

Dhammaadkii bishii February ee sanadkan ayaa meydkeeda laga helay magaalada Galkacyo ka dib markii laga afduubay halkaasi.

Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in meydkan gabadhan yar la soo dhigay meel aan ka fogeyn xaafaddooda.

Kufsiga loo geystay gabadhan yar ma ahan kii ugu horreeyay ee ka dhaca deegaanadaas oo waxaa ka horreeyay kufsi loo geystay gabdho kala duwan oo ka kala dhacay magaalooyinka Galdodgob, Galkacyo, Garowe, Guriceel, inkastoo qaar ka mid ah xabsiga loo taxaabay, hase yeeshee waxaan la ogeen sababta ku qaadi karta dadka ka dambeeya falkani foosha xun.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this