Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya Oo Ka Hadashay Xanibaada Ay Saartay Duulimaadyada Tooska Ahaa Ee Muqdisho Iyo Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Dowlada Kenya ayaa sheegtay in sababo amni ay u joojisay diyaaradaha rakaabka ee ka baxay garoonka Aden Cadde oo si toos ah uga caga dhiganayay magaalada Nairobi.

1557604191a8b16.jpg

Diyaaradaha Rakaabka ayaa hada mari doona garoonka diyaaradaha ee magaalada Wajer si loo baaro ka hor inta aysan u duulin magaalada Nairobi.

Wasaarada Amniga gudaha Kenya ayaa ilaa iyo hada wax war ah ka soo saarin xanibaada duulimaadka tooska ahaa ee Jimcihii dhaqan Galay.

Balse agaasimaha waaxda badbaadada duulimaadka Kenya Captain ayaa tilmaamay in arintaan ay la xidhiidho sababo Amni.

Wuxuu sheegay in xanibaadan ay socon doonto ilaa 9 August xiligaas oo dib u eegis lagu sameyn doono in xanibaada la qaadayo iyo In kale.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in arintaan aysan la xiriirin sababo amni balse ay tahay mid siyaasadi ay ka Danbeyso.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this