Sign in to follow this  
Deeq A.

Saxafiyad Lagu Dilay Dalka Afganistan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Afghanistan)-Sarkaal u hadlay ciidanka ammaanka ee dalkaasi ayaa sheegay inay dabley hubyesna toogteen Saxafiyad lagu magacaabi jiray Mina Mangal oo ahayd Saxafiyad iyo La-taliyaha dhinaca Dhaqanka ee Barlamaanka Afghanistan.

SAXAFIYAD-LAGU-DILAY-AFGANISTAN-750x430.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee dalkaasi, Nasrat Raxiimi ayaa sheegay in Saxafiyadda la dilay, xilli ay ku sii jeeday Xafiiskeeda, mana kala cadda ujeedada rasmiga ee loo dilay.

Boliska magaalladda Kabul waxay sheegeen inaysan kala caddayn inuu dilkeedu ahaa weerar Argagixiso iyo inuu ahaa mid ka dhashay muran taagnaa.

Qoraal ay isbuucii hore soo dhigtay Baraha Bulshadda waxay Mina Mangal ku sheegtay inay heshay Farriimo cabsi-gelin dil ah, balse, lama aysan wadaagin Ciiddanka iyo Qoyskeeda faahfaahinta hanjabadaasi.

Dhinaca kale, Kooxaha Daacish iyo Daalibaan midnaba ma sheeganin dilka Saxafiyadaasi oo horey uga shaqeyn jirtey Telefishin.

Dalka Afganistan waxa uu ka mid yahay Waddamada dilalka ugu badan loogu geysto suxxufiyiinta, waxaana sannadkii hore lagu dilay 15 Suxufiyiin iyo Shaqaale Warbaahineed.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this