Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaraxyo Waa Weyn Oo Ka Dhacay Dekad Ku Taalla Imaaraadka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Fujayrah)-Waxaa la soo werinayaa in qaraxyo waa weyn laga maqlay Dekedda magaalada Fujayrah ee dalka Imaaraadka Carabta, isla markaana ay gubanayaan Haamaha shidaalka ee yaallay Dekeddaasi.

Fujairah-Terminals-500x333.jpg

Dhowr ka tirsan Warbaahinta dalkaasi ayaa qoray in Diyaraadaha Dagaalka ee Maraykanka iyo Faransiiska dul heeheebayeen Dekedda markii uu dabka ka kacay.

Ma kala cadda waxa xaqiiqdii sababay shilkaasi, waxayna warar dheeraad ah sheegayaan inuu qaraxu dhacay, kadib markii ay dab qabsadeen ugu yaraan 7 Haamaha Shidaalka.

Illaa haatan, Dowladda dalka Imaaraadka Carabta wax hadal ah kama soo saarin shilkaasi, mana jiraan faahfaahino ku aadan khasaaraha suurto-galka ah.

Dhinaca kale war Goor dhow ay shaacisay Wakaaladda Wararka Imaaraadka ee WAM ayaa waxaa lagu beeniyay wararka sheegaya in qaraxyo ay ka dhaceen Dekedda magaalada Fujayrah ee dalkaasi, isla markaana waxaa ay ku eedeysay inay ka dambeeyaan Ikhwanul muslimiinta Iran iyo Turkiga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this