Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoowe: Go’aan Laga Gaarayo Kiiska Caa’isha Ilyaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda derajada Koowaad ee gobolka Nugaal ayaa waxaa la filayaa in maanta ay go’aan ka gaarto 10 nin oo ku eedeysan dilkii iyo kufsigii magaalada Gaalkacyo loogu geystay Caa’isha Ilyaas oo ahayd gabar yar oo 11-sano jirtay.

Shalay ayaa maxkamadda waxaa la horkeenay eedeysanayaasha kiiskan, kuwaasi oo su’aallo badan halkaasi lagu weydiiyey, iyadoo dhanka kalena ay jiraan baaritaanno la sameeyey.

Maxkamadda ayaa deegsaneysa baaritaan DNA ah, iyadoo loo yeeray madaxa xarunta baarista denbiyada ee Forensic Lab si ay u caddeyaan baaritaanka dheecaannada laga qaaday ragga xiran, kaasi oo ah hidde side.

Kiiska Caa’isha ayaa muddo soo jiitamayey, waxaana maxkamadda looga fadhiyaa go’aan kama dambeys ah.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this