Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyahii Ciidanka Xasilinta Gaalkacyo Oo u Geeriyoodey Dhaawicii Xalay Soo Gaaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in uu dhintey taliyahii ciidanka xasilinta magaalada Gaalkacyo Dhamme Khaliif Nuur Shiil.

Rag hubesan ayaa isaga oo kasoo baxay masjid ku yaalla magaaladaasi oo uu kusoo tukaday Salaadda Taraawiixda dhowr xabad ku dhuftay, hase ahaatee ugu dambeyn dhaawicii soo gaaray ayuu u dhintay, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ku sugan Gaalkacyo.

Dhanka kale, ciidamada xasilinta Gaalkacyo ayaa maanta waxa ay wadaan howlagal ballaaran oo ay ku xaqiijinayaan ammaanka magaalada, kuna raadinayaan raggii dilay taliyahooda.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this