Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Xukun Dil Ah Oo Lagu Riday Saddex Ka Mid Ah Raggii Loo Haystay Dilka Iyo Kufsiga Caa’isha Ilyaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Derajada Koowaad ee gobolka Nugaal ayaa goor dhow waxa ay xukun dil ah ku riddey Saddex ka mid ah 10-kii qof ee loo haystay dilka iyo Kufsiga Caa’isha Ilyaas oo ahayd gabar 11-sano jir ah.

Guddoomiyaha Maxkamaddan, Sheekh Cabdinuur ayaa ku dhowaaqay xukunkan, waxaana dadka dilka lagu xukumay ay kala yihiin.

  • C/fitaax C/raxmaan Warsame
  • C/salaan C/raxmaan Warsame
  • C/shakuur Maxamed Dige

Maxkamadda ayaa fasaxday 7-dii kale ee kiiskan loo haystay, iyadoo dhanka kalena sheegtay in racfaan uu ka furan yahay muddo bil ah.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this