Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyihii Ciidanka Xaslinta Gaalkacyo oo Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa ku warramaya in goor dhow uu geeriyooday taliyihii Ciidanka Xaslinta Gaalkacyo Khaliif Nuur Shiil, kaas oo xalay kooxo hubeysan ay ku dhaawaceen gudaha magaaladaasi.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga taliyaha ayaa ku dhintay Isbitaal lagu daaweynayay oo ku yaalla degmada Gaalkacyo ee xarunta G/ Mudug.

Kooxo ku hubeysnaa Bistoolado ayaa xalay toogtay Marxuumka, xilli uu ka soo baxay Salaada Taraawiixda.

Ciidamada ammaanka Galmudug ayaa saaka howlgallo ka sameeyay halkaasi, mana jirto cid ay u soo qabteen toogashadaasi.

Muddooyinkii dambe ammaanka Gaalkacyo ayaa ahaa mid dagan, waxaana howlgallo ka waday Ciidamada Xasilinta ee loo sameeyay magaaladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this