Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo eedeyn u jeediyay C/naasir Seeraar

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo shalay dib ugu laabtay Kismaayo ayaa ka hadlay is rasaaseyn khamiistii la soo dhaafay Ciidamada Jubbaland iyo Ilaalada Musharrax Caddinaasir Seeraar ku dhex martay garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Axmed Madoobe ayaa marka hore sheegay in uu aad uga xun yahay shaqaaqadaasi oo ay ku dhaawacmeen illaa 3 Askari oo ka mid ahaa Ilaalada Musharraxaasi.

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay Musharrax Seeraar in uu carqalad cusub ka abuurayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ugu dambeyn Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka digay in mar kale ay dhacdo shaqaaqo la mid ah tii Garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this