Deeq A. Posted May 12, 2019 Kismaayo (SMN) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo shalay dib ugu laabtay Kismaayo ayaa ka hadlay is rasaaseyn khamiistii la soo dhaafay Ciidamada Jubbaland iyo Ilaalada Musharrax Caddinaasir Seeraar ku dhex martay garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. Axmed Madoobe ayaa marka hore sheegay in uu aad uga xun yahay shaqaaqadaasi oo ay ku dhaawacmeen illaa 3 Askari oo ka mid ahaa Ilaalada Musharraxaasi. Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay Musharrax Seeraar in uu carqalad cusub ka abuurayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Ugu dambeyn Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka digay in mar kale ay dhacdo shaqaaqo la mid ah tii Garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites