Sign in to follow this  
Deeq A.

Shibis iyo Bargaan oo xalay galay barbar dhac

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Waxaa xalay tartan aqooneedka Shabelle, ku baratamay degmada Shibis  ee gobolka Banaadir iyo deegaanka Bargaan ee gobolka Galgaduud.

Labadan koox oo ku wada jiray Group-ka C ee tartanka ayaa soo bandhigay tartan aad u qiimo badan, waxaana ay galeen barbar dhac.

Shibis ayaa la timid 14 buundo, hayeeshii guddiga ayaa ka jaray 2 dhibcood, kadib markii ay ku xadgudubtay anshaxa barnaamjika, sidaasina waxa ay ku heshay 12 dhicood.

Sidoo kale Bargaan ayaa keensatay dhibco gaaray 12, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga tartanka Maxamed Axmed Jimcaale.

Caawa tartan aqooneedka faca weyne ee Shabelle waxaa ku ballsan degmooyinka waa weyn ee Wadajir iyo Waabari oo ka wada tirsan gobolka Banaadir.

Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle waa shirkadaha Beco iyo Coc-Cola.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this