Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhoobo Daareed “Nasiib darro ayey aheyd kala tagii shirka Garowe”

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (SMN) – Cabdixakiin Maxamed Axmed “Dhoobo Daareed” Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Puntland oo ka hadlayay shirkii lagu kala tagay ee magaalada Garowe ayaa nasiib darro ku tilmaamay arrintaasi.

Guddoomiyaha ayaa ku nuux nuuxsaday in kulamada kale ee la isugu imaan doono loo baahan yahay in kaalintooda ay qaataan Baarlamaanada heer federal iyo heer dowlad goboleed eedalka.

Sidoo kale waxa uu ku baaqay in la muujiyo dulqaad iyo tanaasul, si aan dalka aan dib loogu celin  marxaladii kala duwanaa ee uu soo maray.

Shirkii Garowe oo socday muddo lix cisho ayaa shalay lagu kala tagay, iyadoo aan la gaarin wax natiijo ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this