Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo sabab cajiib ah u yeeshay joojinta duulimaadyada Muqdisho iyo Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobo (Caasimada Online)-Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay Saacado kadib sabab yaableh u yeshay joojinta diyaaradaha ka taga magaalada Muqdisho ee sida toos ah u tagi jiray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sarkaal ka tirsan waaxda badbaadada Hawada dalka Kenya ayaa shaaciyay in sabab la xiriirta dhanka amaanka loo joojiyay diyaaradaha ka tagayay magaalada Muqdisho ee tagayay magaalada Nairobi.

Sarkaalka oo aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in sababta dhanka amaanka ah ay keentay in diyaaradaha ka yimaada Somalia lagu baaro garoonka diyaaradaha ee magaalada Wajeer.

Kenya ayaa seddex maalin ka hor cadeysay inay joojisay diyaaradaha tooska u tagi jiray garoonka Jommo Kenyatta, islamarkaana lagu baari doono magaalada Wajeer.

Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabeysay go’aanka dowladda Kenya ayaa sheegtay in amaanka garoonka diyaaradaha Muqdisho uu ka wanaagsan yahay garoomo badan oo gobolka ku yaala.

Dowladda Soomaaliya gaar ahaanna Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Omaar ayaa sheegay in go’aanka Kenya ay ku soo celisay xayiraadda duullimaadyada Garoomada Aadan Cadde iyo JKIA ay tahay mid siyaasadi ka dambeyso.

Lama oga go’aanka xiga ee ay dowladda Soomaaliya qaadan doonto.
Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this