Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgallo ballaaran oo saaka ka socda M/ Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (SMN)– Ciidamada Xaslinta iyo kuwa ammaanka ee maamulka Galmudug ayaa saaka howlgallo ka wada gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Howlgallada ayaa yimid, kadib markii xalay magaaladaasi lagu dhaawacay Taliyaha Ciidanka Isku Dhafka ee magaaladaasi Khaliif Nuur Shiil.

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in ay toogteen Taliyaha, xilli uu ka soo baxay Masjid ku yaalla halkaasi.

Saraakiil ka tirsan kuwa ammaanka oo AAN la xariirnay ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan Raggii ka dambeeyay falkaasi.

Muddooyinkii dambe ammaanka Gaalkacyo ayaa ahaa mid dagan, waxaana howlgallo ka waday Ciidamada Xasilinta ee loo sameeyay magaaladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this