Sign in to follow this  
Deeq A.

Roobabka gu’ga oo xalay iyo saaka ka da’ay qaar kamid ah gobollada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Roobabka gu’ga oo laxaad leh ayaa xalay miray, degaanno badan oo ku yaalla gobollada Karkaar, Nugaal, Sool iyo Mudug oo hore kulayl iyo baaro daran ka jireen.

Dhul ballaaran oo ka kala tirsan gobollada Karkaar,Mudug, Nugaal iyo Sool ayaa xalay roobsaday, sida ay warbaahinta Puntland Post u sheegeen dad ku sugan degaanno kala duwan oo gobolladaasi ah.

Meelaha roobsaday waxaa kamid ah magaalooyinka; Garoowe, Qardho, Laascaanood, dooxooyinka Nugaal, jeexdimaha dhoodida Sool iyo Ciidka Mudug

Magaalada Garoowe hiraabtii hore (Suxuurtii) saaka, waxaa ku da’ay mayay(bariise) ka dulka-hooryeeyay, gufaacadii uu soo kiciyay gud-gudihii xalay maaruqay gobollada Sool iyo Karkaar.

Roobka oo si jawi deggan oo aan dabayl wadan u da’yay ayaa biyaha waray gudaha magaalada iyo dooxooyinka ku xeeran.

Sidoo kale weli waxaa cirka ku marriiman daruuro biyaysan iyo fadad cas oo dhibcaynaya.

Garoowe iyo saaka

IMG_20190512_060943_097.jpg?fit=1000%2C1 IMG_20190512_061023_897.jpg?fit=1000%2C8 IMG_20190512_060644_556.jpg?fit=1000%2C1 IMG_20190512_060943_097-1.jpg?fit=1000%2 IMG_20190512_060836_133.jpg?fit=1000%2C1 IMG_20190512_060704_013.jpg?fit=1000%2C1

PUNTLAND POST

The post Roobabka gu’ga oo xalay iyo saaka ka da’ay qaar kamid ah gobollada Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this