Sign in to follow this  
Deeq A.

Fwd: Gormuu oogaday Omar Al-ashiir In uu Sudan qabsaday …..

Recommended Posts

Deeq A.   

Gormuu oogaday Al-bashiir In uu Sudan qabsaday malintii inqalabku Dhacay

Madaxweynihii hore ee Sudan Major General Omer Hassan Ahmed AL-bashir wuxuu ku dhashay tuulada Hosh Banaga Shandi 1-January1944. Waxbarashadisii dugsiga hoose ila sare wuxuu ku soo qaatay magaalada Shandi ee ku taala waqooyiga Khartoum.Sanadkii 1960 ayuu si rasmi ah ugu biiray ciidamada qalabka sida ee dalka Sudan. 1967 wuxuu ka qalinjabiyay kuliyada toobarka ciidamada islama markaana qatay darajada xidigle. Sanadkii 1981 wuxuu barasho sare kusoo qaatay oo xaga ciidamada ah Egayptian Military Academy.

Sanadkii 1983 wuxuu waxbarasho kale oo dhanka ciidamada ka helay wadanka Malaysia ilaa ha gaadhay Shahadada Master Degree oo xaga talisla ciidamada ku takhasusay.

wxuu ka qayb galay dagaalkii masar iyo isareal 1973 . Wuxuu ka soo shaqeeyay safarad sudan ee UAE Militraty Attache . Sanadkii 1975.Wuxuu noqday Taliyaha ciidamada dalayada ku booda (Parachute). Wuxuu nasiib u helay in uu noqdo Hogamiyihii inqalaki 30 jun 1989 dhacay ee xarakata islaamka ka danbeeysay (Natioanl Islamic Front).

Waxa lagu tiriyaa in uu xubin ka ahaa xarakata islamiyiinta ee hoogamiye ka ahaa Dr Xasan Abdala Turabi. inkastoo afganbiga laga soo shaqeeyay oo la dhamaystiray qorshiisa, isagu wuxuu ahaa sarkalkii ugu sareeyay darajo ahaan xarakata Islamiyiinta ama saraakisha milatariga ee inqalabka wada mid ahaa kaalintiisuna waxay ku akeed in u hor kaco saraakisha yaryar.Inqalabka inyar ka hor hawlo shaqo ayuu goblolka Kurdufaan ee galbeeedka sudan, laba cisho ka hor oo ku begneeyd 27 jun 1989 ayuu yimid khartuum sii uga qayb qaato hawsha inqaalibka oo dhaman diyaar ah. Subaxdii 30 jun sacaadu markaya heed 3.AM ayuu kaligii galay xerada taaliska guud ee cidamada si uu amar us siiyo dhaaman ciidamaad dalka kuna war geliyo in dalka la wareegeen militargu . isaga inta ayay aheed shaqdaiisu.Sarakiishii yar yareed ayaa hawsha badankeeda sii diyaariyay dhamaantoodna waxay kala qabsadeen hawlihii iyo goobihii lookala cayimay sida idaacada iyo Tvga airport xarumaha dawlada, iyo ugaadhsiga Sarkiisa dawalada ugu sareeysay ilaa Ra,siil wasarihii dawlada Sadiq Al-mahdi oo dhamaantood lasoo wada xidhay.

Afganbigii waa najaxay sidi loo qorsheeynaya auu u wada dhacay. qiasada Cajiibka ah waxaya heed markii uu ogaady Al-bashir in dalakii gacantiiisa ku jiro. goormuu oogaday in uu madaxweyne noqday..,, Waraysi uu siiyay wariyaha caanka ah ee Ahmed Bilaal, sanadkii 2002 wuxu ka sheekeeyay Al-bashir qisadii malintaa inqaliibka.wuxuu yidhi ,Markii aan galay xarunta guud ee ciidamada runtii maan ogeen waxa dhici doona waxan galay xafiiska taliiska guud kaligay abaaro 3 am subaxnimo . markaan soo gadhay albaaka ayuu askarigii waardiayadaha ahaa ii joojiyay oo i yidhi waa kuma . Waa yara naxay waxaan idhi waaa General cumar albashiir wuxu yidhi soo gal,haduu odhan lahaa maxaad rabtaa gortan xaaladu waa fashil anigua waan xidhanahay. Waxan dareemay

Markaa in amar la siiyay askariga in aan so galo oo uu i ogyahay imaatinkayga halkan markaan soo galay ayaan arkay sarkaal asxaabtayda ahaa oo i sugayaa, Markaa waan fahmay xaalada, Saxiibkay wuxuu igu yidhi kursiga ku fadhiiso phoniyaha kula hadal taliyaasha ciidamada amar sii kuna wargeli in dalkii aan la weerganay.

Sidii ban amar ku siiyay taliyaashi ciidamada , inta badan wayna soo dhaweeyeen. Sacada markay aheed Abaara 7 subaxnimo on iska fadhiyo kursigaygii wali wax war aan haynin cidna noo iman , waxan furay TV meel xafiiska yaalay , waxaba ku jiraa anoo ka hadlaayaa TV-gii sudan, Cajiib, waxan ka socotaa warakii inqalaabka iyo anoo akhriyaaya khudbadii inqaalabka shacab weeynihii wargeliyay dawladii SADIQ AL-MAHDI la afganbiyay. record kan waxa la iga qaaday 2 cisho ka anagoo joogna meel qarsoodi lagu duubay, sarkaal ba qaaatay cajaladaasi waamna iska ilaaway.

“Markaas ayaan oogaday in wadanka aan qabsnay oo xukunkii la weergnay inqaalabkiina hirgalaya”Madaxweyne Cumar Al Bashiir aan aahay…

Abdinasir Ahmed

UK

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this