Sign in to follow this  
Deeq A.

Ardaydii ugu badneed oo aragga la’ oo u fariistay imtixaanka shahaadiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta sirasmi ah u bilaabanaya imtixaankii Shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee dalka, kaasi oo ay qaadayso dowladda Federaalka Soomaaliya.

31,500  oo Arday ayaa u fariisinaya Imtixaankaasi, taasi oo ah tiradii ay horey u shaacisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Waxaa markii ugu horeysay imtixaanka mideysan ee dugsiyada sare ee Dowladda Soomaaliya ka qeybgalay arday indo la’ oo gaarayo illaa 28 arday oo isugu jiray Gabdho iyo Wiilal.

22 kamid ah Ardaydaas araga la’ ee maanta Imtixaanka u fadhiisatay ayaa waxay kasoo qalin jabiyeen Dusiga indhoolayaasha ee Al-Nuur kaasoo ay gacanta ku heyso Shirkadda Hormuud qeybteeda Hormuud Foundation.

Guddoomiyaha hey’adda Hormuud Foundation oo sharraxaad ka bixiyey xaaladda Arday ayaa sheegay aydaydu ay marxalad adag wax kusoo barteen, wuxuu intaas ku daray in School-ku uu ka kooban yahay Dugsi Hoose Dhexe kaliya sidaas daraadeedna ay Hey’addu bixiso Kharashka & lacagaha ay Dugsiyada sare ku dhigtaan, wuxuuna intaas ku daray in sanadkaan la hir gelin doono Dugsi sare, uuna haatan dhismihiisu ka socdo Deegaanka Daarusalaam.

Ra’isulwasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo kormeer ku tagay goobaha Imtixaanka ka socdo ayaa Shirkadda Hormuud uga mahadceliyey sida ay uga shaqeysay inay Maanta imtixaanka soo fadhiistaan arday badan oo indhoolayaal ah kuwaas oo wax kusoo bartay Machadka Indhoolayaasha ee Al-Nuur oo ay kafaala qaaday Shirkadda Hormuud.

Machadka Al-Nuur ee Indhoolayaasha ayaa waxaa wax ku barto arday badan oo indhoolayaal ah kuwaas oo ku jiro heerarka Hoose, Dhexe iyo Sare ee waxbarashada.

9bb5a3cc-28a0-4069-8961-df4573c01861.jpg 94672727-918d-4b0a-867f-90561a9deb0b.jpg 8afb10e2-9c8f-4f9e-a771-7ebbb4494367.jpg 8eba4a5a-f445-4e22-964c-20a310e4c1a9.jpg efa09aeb-bc88-4c4e-b890-f17fd4e4ecc0.jpg 5d850c12-c218-4e5c-bb47-cef8ce7e31f1.jpg e996ebfc-abd4-4e2c-bc13-cbb6e3aecf94.jpg 94d0e2da-127d-4938-ab53-9ab5ccc07db3.jpg 8d08360a-6b6e-4737-92dc-b604ebf68840.jpg 6102c18f-420b-43c8-84a9-440fe00d4435.jpg 4d328b32-3af8-4e4d-8d81-fbabc646695a.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this