Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaalyahanada Xuutiyiinta Oo Iskaga Baxaya Qeybo Ka Mid Ah Koonfurta Yemen

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Yemen)-Ururka Xuutiyiinta Yemen ayaa maanta billaabay inay ka baxaan dekadahaSaleef iyo Ras Issa ee gobolka Xudeyda.

0461090B-55BC-4B03-A28D-2F7F44B28AF2_w10

Tallaabadaan ayaa loo arkaa midlooga dhabeynayo heshiiskii ay QM ay kala dhex-dhigtay Xuutiga iyo Isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ee isku haya dagaalka Yemen.

Xudeyda ayaa ah ah halka ay badeecooyinka dibadda iyo gargaarka bani’aadannimo ka galaan Yemen, waxaana ay muhiim u tahay nolosha malaayiin reer Yemen oo hadda qarka u saaran macluul.

Madaxa guddiga kacaanka ururka Xuutiyiinta Yemen Mohammed al-Huthi, ayaa sheegay in dagaalyahannadu ay billaabi doonaan in ay ka baxaan magaalada maanta tobanka barqanimo xilliga Yemen.

Wuxuu sheegay in mucaaradka ay si hal dhinac ah uga baxayaan Xudeyda, kaddib marki ay ciidamada dowladda ee taageerada ka helaya Sacuudiga ay marar badan dib u dhigeen ka bixidda magaalada, taasoo qeyb ka aheyd haeshiiskii dalka Sweden.

Qaramada Midoobay oo Jimcihi sii sheegtay ka bixista Xudeyda ee ciidamada mucaaradka, ayaa sheegtay in Xuutiyiinta ay dhameysti doonaan ka bixisita Xudeyda iyo labada dekedood oo u dhaw, maalinta Talaadada ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this