Deeq A. Posted May 11, 2019 Garowe (SMN) – Waxaa gabi ahaan fashil ku soo dhammaday shirkii wadatashiga dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir uga socday magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal. Shirkan oo qaatay muddo lix maalin ah ayaa saacadihii hore ee saaka lagu kala tagay, iyadoo aan la gaarin wax natiijo ah. Qodobada la’isku mari waayay ayaa waxaa ka mid ah xaaladda Galmudug, arrimo ku aadan Batroolka iyo doorashooyinka dalka. Sidoo kale Madaxweyneyaasha Jubbaland, Galmudug iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ka soo soo laabtay Garowe, iyadoona saacadaha soo socda la filayo in madaxda kale ay ka soo ambabaxaaan magaaladaasi. Khilaafka ka dhashay shirkan ayaa sii xoojinaya muranka siyaasadeed ee u dhexeeya DFS iyo dowlad goboleedyada dalka, lamana oga wax xigi doona. Shirkani ayaa waxaa intii uu socday ka qeybgalay Madaxweynaha, Ras’iisul wasaaraha, Hoggaamiyeyaasha Jubbaland, Galmudug, Puntland, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo gobolka Banaadir. View the full article Share this post Link to post Share on other sites