Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan ka tirsan S/land oo la soo taagay maxkamad

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (SMN) – Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah golaha wakiilada S/land ayaa maanta la horgeeyay maxkamadda gobolka Maroodi Jeex ee maamulkaasi.

Guddoomiyaha Maxkamadda oo lagu magacaabo Cabdi Qawdh ayaa gabi ahaan gaashaanka u daruuray in uu furo dacwadda loo heysto Xildhibaankaasi.

Waxa uu sheegay in weli aan laga xayuubin xasaanada Xildhibaanimo, sidaa darateedna aanu jirin sharci u ogolaanaya in uu Maxkamadeeyo.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada ammaanku ay dib ugu celiyeen Xildhibaan Dhakool halkii uu ku xirnaa.

Xariga Xildhibaanka ayaa yimid, kadib markii uu ka horyimid xuska 18 May oo ah markii ay Somaliland ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this