Sign in to follow this  
Deeq A.

Shibis iyo Bargaan oo caawa ku baratamaya tartanka Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Tartan aqooneedka Shabelle oo caawa galaya habeenkiisa shanaad ayaa waxaa la guda geli doonaa tartanka u dhexeeya degmooyinka ku wada jira Group-ka C ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Groupkan ayaa waxaa isku arki doona Shibis, deegaanka Bargaan, Wadajir iyo Waabari.

Waxaa ugu horreeya oo kulanka caawa isku hardin doono degmada Shibis ee G/ Banaadir iyo deegaanka Bargaan oo ka tirsan gobolka Galgaduud .

Tartamayaasha labada dhinac ayaa haatan isu diyaarinaya ka qeyb galka barnaajinka faca weyn ee tartan aqooneedka Shabelle.

Xalay oo la soo gabagabeeyay tartanka degmooyinka ku wada jira Group-ka B ayaa waxaa ku loolamay Xamar Weyne iyo Warta Nabadda, waxaana ay guushu raacday  Xamar Weyne.

Sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waxaa taaba gelinaya Shirkadaha BECO iyo Coca-Cola.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this