Deeq A. Posted May 11, 2019 Muqdisho (SMN) – Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo Idaacadda Shabelle la hadlay ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay go’aankii Kenya ay ku joojisay Duulimaadkii tooska ahaa ee magaalooyinka Muqisho iyo Nairobi. Dadweynahan ayaa tilmaamay in shacabka labada dal aysan wax dan ah ugu jirin go’aankaasi. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in Kenya tallaabada ay qaaday bedalkeeda loo baahan yahay in la joojiyo qaadka laga keeno Nairobi. Hadalkan ayaa imaanaya, xili shalay dowladda Kenya ay gabi ahaan joojisay Duulimaadkii Muqdsho iyo Kenya, iyadoona tallaabadaasi ay si weyn u cambaareysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites