Sign in to follow this  
Deeq A.

Dooni siday Muhaajiriin oo ku degtay Tunisia

Recommended Posts

Deeq A.   

Tunis (SMN) – Dooni siday dad fara badan oo isugu jiray Qaxooti iyo kuwo Muhaajiriin ah ayaa ku qalibantay biyaha badda Mediterranean,gaar ahaan xeebaha ku yaalla dalka Tunisia,halkaasi oo ay ku dhinteen illaa 65-ruux.

Hadal maalinimadii shalay ay sii deysay Hey’adda QM u qaabilsan Qaxootiga ee (UNHCR) ayaa lagu sheegay in la soo badbaadiyay 16-Qof oo saarnaa doontaasi ,kadib markii ay gurmad u sameeyeen rag kalluumeysato ah.

Afar ruux oo Meyd ah ayaa la helay ,iyadoo ay socdaan howlgallo lagu raadinayo dadkii wax ku noqday doonida qalibantay,sida ay xaqiijiyeen Ururka Caalamiga ah ee Muhaajiriinta.

Sida laga soo xigtay warar ay baahisay wakaaladda wararka ee dalka Tunisia TAP  ayaa sheegaya in doontaasi ay siday 70- qoo oo Qaxooti iyo Muuhaajiriin isugu jira, kuwaas oo aan la shaacin dalalka ee ka soo kala jeedaan.

Balse warar hoose ayaa sheegaya in inta badan dadkani ee ka yimaadeen dalal ka tirsan Afrika oo Soomaaliya ay ku jirto .

Waa shilkii ugu xumaa ee dhaca bilahan,waxaana dadka saarnaa doonta ka mid ahaa kuwo u dhashay dalalka Bangladesh–Morocco.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this