Sign in to follow this  
Deeq A.

Marxuum Xaaji Cabdi-Waraabe Oo Aas Qaran Oo Loogu Sameeyey Duleedka Magaalada Hargeysa Iyo Madax Kala Duwan Oo Ka Qayb-gashay+SAWIRRO

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay Aas qaran oo deegaanka Toon oo dhinaca Koonfureed kaga beegan caasimadda Hargeysa loogu sameeyey Marxuum Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo shalay geeriyooday.

60192571_2163119553801886_34678369149738 59969286_2163120573801784_43221089252152 59917772_2163120230468485_18815841253751 59902054_2163119223801919_70122555793263 59872528_2163120337135141_68130356301303 59845706_2163120417135133_15013403713286 59841034_2163120050468503_23021072552495

Aaska qaran ee loo sameeyey marxuum xildhibaan Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo kamid ahaa haldoorka iyo tiir-dhexaadka ugu miisaanka culus qaranka Somaliland iyo guud ahaan deegaannada Soomaalidu degto, ayaa waxa ka qayb-galay badiba haldoorka magaca iyo maamuuska ku leh Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaanba bulshada afka Soomaaliga ku hadasha, madax-dhaqameed, garaaddo, salaadiin, ganacsato, siyaasiyiin iyo shacab tiro badan oo meelo kala duwan oo dunida ah isaga yimi, waxana janaasada laga akhriyey hadallo ku saabsan samo-talisnimadii uu marxuumku caanka ku ahaa iyo doorkii lama illaawaanka ahaa ee uu kusoo qaatay nabadayntii iyo Aas-aaskii Jamhuuriyadda Somaliland.

Xubno isugu jira madax-dhaqameed, siyaasiyiin, wasiirro iyo safiirro dalalka deriska ka yimi iyo kuwo xubno ka ah xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, qaar kamid ah hoggaanka axsaabta qaranka iyo waxgarad kale oo halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantood si isku mid ah u sharraxay kaalintii mucda lahayd ee uu marxuumka Xaaji Cabdikariin kasoo ciyaaray nabadaynta iyo walaalaynta shacabka reer Somaliland iyo guud ahaanba bulshada Afka Soomaaliga ku hadasha, waxana ay ka markhaati kaceen adkaysigiisii iyo sidii uu ugu ban baxay danta guud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kelmado kooban oo uu ku sharraxayo taariikhda marxuum Xaaji Cabdikariin ka jeediyey janaasada dusheeda, ayaa sheegay inuu marxuumku waqtigiisii iyo noloshiisiiba u huray islaaxa iyo walaalaynta bulshada, waxana uu Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ku casuumo, waxana uu yidhi, “Xaaji Cabdi taariikhdiisa daqiiqado laguma soo koobi karo, wixii Af Soomaali yaqaannaana waa wada og yihiin, ajanabiga Soomaalida la shaqeeya ee yaqaannaana waa og yihiin oo taariikhdiisa qoraal iyo muuqaalba waa lagu hayaa. Xaaji Cabdi waxa aynnu kusoo koobaynaa waxa uu ahaa samo-wade murti-dhaadhi ah, dad wad leh, ummadda isu jiida, intii uu noolaana noloshiiisa u huray nabadayn, walaaltinimo iyo islaax ku dhammaystay, Ilaahayna waxaynu ugu rajaynayaa inuu qabriga u nuuro, jannadii Firdowsana ka waraabiyo.”

Marxuum Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo cimrigiisa lagu qiyaasay in kabadan 120 (boqol iyo labaatan) sano, ayaa xubin ka ahaa golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu ahaa astaan nabadeed oo waqtiyo adag qaranka kala soo dabbaashay marxalado qallafsan oo lasoo maray, iyada oo dadka maanta Aaskiisa ka qaybgalay uu kamid ahaa madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), madaxweyne-ku-xigeenno hore, isimmo iyo garaaddo ka yimi dalalka deriska iyo haldoor tiro badan oo reer Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this