Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhegaysiga kiiska Caa’isha Ilyaas oo mar kale dib loo dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal ayaa mar kale dib u dhigtay dhegaysiga dacwadda loo haysto rag ku eedaysan kiiskii Caa’isha Ilyaas Aadan.

Maxkamadda oo saaka dhegaysatay dacwadda xeer-ilaalinta iyo difaaca qareennada u doodaya eedaysanayaasha ayaa ku dhawaaqday in kiiska dib loo dhigay oo mar kale la dhegaysan doono maalinta berriya oo Axad ah.

Guddoomiyaha maxkamadda ayaa amray in ay maxkamadda hor-yimaadan madaxda xarunta baarista denbiyada ee Forensic Lab si ay sharraxaad buuxda uga bixiyaan caddaymaha ay ku heleen eedaysanayaasha laga qaaday dheecaannada hidda-sidaha DNA ee loo adeegsaday baarista kiiskan.

Balse xeer-ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan oo cuskanaya xeerka kufsiga Puntland ayaa maxkamadda horteeda ka sheegay in mas’uuliyiinta Forensic-ga lagu wareysan karo oo keliya kulan xiran oo aan dadweynaha loo ogolaan.

PUNTLAND POST

The post Dhegaysiga kiiska Caa’isha Ilyaas oo mar kale dib loo dhigay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this