Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaf oo faahfaahiyey sababta keentay inuu fashilmo Shirkii Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo saakay u dhoofay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa ka hadlay Shirka maalmihii la soo dhaafay uga socday Magaalada Garoowe Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ka jira iyo Gobolka Banadir.

Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa uu sheegay in Shirka uu ku soo dhammaaday si aan Ummada Soomaaliyeed  u wanaagsaneyn,hayeeshee mar uu la heshiin doono.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ku eedeeyay Madaxweynaha Galmudug inay  diideen in laga hadlayo arrimaha Doorashooyinka qaranka iyo sharciga batroolka oo Xildhibaanada Baarlamaanka hor yaalla.

Xaaf oo warbaahinta kula hadlayay Garoonka diyaaradaha Garowe ayaa sheegay in Al-shabaab ay Canshuur ka qaadaan suuqa Bakaaraha sidoo kalena ay Maxkamadaha wax ku xukumaan ku yaallaan Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho.

Dowladda Federaalka ah ayuu sheegay in ay diidday in ay u jixin jix u sameyso dadka iyo dalka,waxaana uu ku eedeeyay fashilka uu ku dhamaaday shirka Garowe.

Arrimaha doorashooyinka, qeybsiga Kheyraadka iyo arrinta Galmudug ayuu sheegay in ay ka mid ahaayeen waxyaabaha la isku fahmi waayay dowladda federaalka ahna sababta leedahay.

Waxaa uu rajo ka muujiyay in shir kale la isugu yimaado islamarkaana wadahadal laga yeesho arrimaha la isku fahmi waayay ee lagu soo qaaday shirkii todobaadka ka socday Garowe.

Madaxweyne Xaaf iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saakay u ambabaxay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya,waxaana ka sagootiyay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe Madaxweynihii hore ee Puntlanad Cabdiraxmaan Sheekh Faroole, xubno ka tirsan Golaha Barlamaanka qaranka iyo qaar kamid ah Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this