Sign in to follow this  
Deeq A.

Amarkii dowladda Kenya oo ka dhaqan galay Wajeer (Sawirro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Wajeer (Caasimada Online)-Diyaaradaha ka duula garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah u dhaqan geliyay amarkii kasoo baxay dowladda Kenya.

Diyaarado ka duulay magaalada Muqdisho ayaa maray garoonka diyaaradaha ee magaalada Wajeer, halkaasi oo markale lagu baaray dadka rakaabka ah, iyaga oo kadib u duuli doono magaalada Nairobi.

Go’aanka Kenya dib ugu howlgelisay barta Kaantarool ee Wajeer ayaa dhaqangalay, waxaana dadka baaritaan kale lagu geliyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Wajeer.

Sawiro lasoo qaaday ayaa u muuqday dadka shacabka ah oo safaf dhaadheer u galay baaritaan lagu sameynayo dadka rakaabka ah.

Kenya ayaa dib uga laabtay heshiis ay horey dowladda Soomaaliya ula gashay, kaasi oo keenay in markale rakaabka ka baxa magaalada Muqdisho la marsiiyo garoonka degmada Wajeer.

Hoos ka daawo Sawirada

1.jpg 2.jpg 3.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this