Deeq A. Posted May 11, 2019 Waxa la sheegay in gudoomiyaha maxkamada gobolka Maroodijeex Garsoore Cabdi Qawdhan uu ku gacansaydhay inuu gal dacwadeed u furo xildhibaan Dhakoolkii oo aanay golihiisu xasaanadii ka xayuubin, kaasi oo saaka la geeyay maxkamadda isagoo weliba labada gacmood ka silsiladaysan oon laga xishoon sharciga, mudanaha iyo ummaddii uu matalaayey ee reer Sool iyo guud ahaan shacabka reer Somalilandba. Ileyn saban walba wax uun baa laga sahaydaayee, sabankan xun ee boolisku noqday kuwa aan xitaa madaxda khaatuma xumaysanaysa u sharxin waxa ceebi ka soo gaadhi doonto iyo halka ay tahay in amarka looga beydhi karo oo uu ku hirgeli karo. Nasiib wanaag waxa muuqatay maanta mar kale rajada shacabka reer Somaliland ee ah in dhalin yarada ka hawlgasha garsoorku aanay ahayn kuwii hore ee ee shaabada weynaa ee cidii xukuumaddu dabada ka wado xabsiga isu dhaafin jiray. Cabdi Qadhani waxa uu bilay quruxdii qaranka Somaliland ee ahayd dal dimoqraadiya oo leh hay’ado is ilaaliya,kuwaasi oo awood u leh inay dalkan ka hor istaagaan hogaamiye kasta oo leh damac keligii taliyenimo oo u hamuun qaba inuu dulaysto ummaddan daalan ee beelaha iyo ardaayada loo kala qaybiyay, si loo xukumo oo iyaga laysugu mashquuliyo. Inkastoo gudoomiyaha maxkamada gobolka Maroodijeex ceebtii ka fogeeyay garsoorkii qaranka, bal waxa hadda su’aali la taagan tahay waxa gudoomiyihii dhalinyarada ahaa ee maxkamada sare ee dalka haystay uu ka yeelo, waxana loo joogi doonaa in sidiisii uu xilka si ku meel gaadh ah uga qaado garsooraha ceeb-diidka ah, sidii ku dhacday Garsoore Dalmarkii ka gaws adaygay in muwaadin gobol kale laga soo qabtay lagu maxkamdeeyo Hargeysa,iyadoo Burcadii laga keenay aan balaayo lagu ogayn. Inta maamulka Muuse uu jirayaa waa dhawr sano, haseyeeshee waxa qormaysa taariikh. Waxa aan walaalkay sharciyaqaan Aaden Xaaji Cali u sheegi lahaa in aanay sumcadiisa cidi la lahayn iyo aakhiradiisa, islamarkaana ay tahay inuu dhaxal reebo una nasteexeeyo weliba hogaanka ummaddu dooratay een qoriga caaradiisa ku Iman. Kolay sida saaka muuqatay rag baa leh ‘ waar saw la noolaadee ‘. Weli shacabkan damiirku kama wada dhiman. Mustafe Issa (Mustafe Shiine) Qaran News Quote Share this post Link to post Share on other sites
Deeq A. Posted May 11, 2019 Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka hadda nasoo gaaraya ayaa sheegaya in maanta Maxkamada Hargeysa ee G/Maroodi-jeex la hor-geeyay Xildhibaan Dhakool. Xildhabaan Dhakool oo kamida xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayey habeen hore ciidamada Boolisku kasoo xireen magaalada Hargeysa. Xildhibaanka ayaa markii saaka la hor-geeyay Maxkamada waxa gebi-ahaanba diiday inuu dhageysto Dacwadii lagu soo oogay Gudoomiyaha maxkamada G/Maroodi-jeex. Guddoomiye Cabdi Qawdhan ayaa waxa uu sheegay in Xildhibaan Dhakool aan xarigiisa loo marin sifo sharci, isagoona ka dhawaajiyey in xildhibaanka lasoo xiray isagoo Xasaanadii Xildhibaanimo laga qaadin. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in aanay xaq u laheyn in ay dhageysato maxkamadu dacwada lagu soo oogay xildhibaanka, ilaa inta ay xildhibaanada Golaha Wakiiladu ka qaadayan xasaanada. Xildhibaan Dhakool ayey ciidamadu dib ugu celiyeen xarunta dambi baarista ee CID-da, kadib markii uu guddoomiyaha Maxkamadu uu diidey dhageysiga dacwada lagu soo oogay. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
maakhiri1 Posted May 11, 2019 The guy who was a member of this cult over 20 years, that is based on this nonsense, what was he thinking? Waa gardaranyahay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tallaabo Posted May 11, 2019 16 minutes ago, maakhiri1 said: The guy who was a member of this cult over 20 years, that is based on this nonsense, what was he thinking? Waa gardaranyahay. May I ask what cult are you referring to? Quote Share this post Link to post Share on other sites
maakhiri1 Posted May 11, 2019 1 hour ago, Tallaabo said: May I ask what cult are you referring to? You are atleast one of the few who are free. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 11, 2019 Maakhiri think SomalilAnd is a cult. If Somaliland is cult what is shabaab sfg or other factions in walanweynistan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted May 11, 2019 The man said what everybody thinks. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted May 11, 2019 Maskiinka aawey tolkiisa? Mise kaligiisa meesha u shaqo doontay. 1 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Holac Posted May 12, 2019 Mr. Bihi violated his own constitution by arresting the MP without removing immunity through parliament, and that is making a joke out of the whole Somaliland project. This arrest was wholly unnecessary. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted May 12, 2019 Tolkiisa wax difaaco waa u soo helay: 1 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tallaabo Posted May 12, 2019 17 hours ago, Xaaji Xunjuf said: Maakhiri think SomalilAnd is a cult. If Somaliland is cult what is shabaab sfg or other factions in walanweynistan In that case every government in the world can be considered a cult. By the way, I love your terminologies. Walawaynistan kulahaa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tallaabo Posted May 12, 2019 8 hours ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said: Tolkiisa wax difaaco waa u soo helay: Thanks for the video laakiin adiga wax shaqo ahi meeshan kuuma taalo. This is the internal affairs of the free Somaliland people. Adigu markaad Bay iyo Bakool xabashida iyo argagixisada kasoo xorayso miiska nalasoo fadhiiso. Taa inta ka horaysa hadal kuuma furna Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tallaabo Posted May 12, 2019 9 hours ago, Holac said: Mr. Bihi violated his own constitution by arresting the MP without removing immunity through parliament, and that is making a joke out of the whole Somaliland project. This arrest was wholly unnecessary. In Somaliland presidents believe that they are above the law and unfortunately there is no one to show them otherwise. The MP got himself into trouble by stoking controversy. A lot of people are languishing in prison for much less. Quote Share this post Link to post Share on other sites
maakhiri1 Posted May 12, 2019 SL QOOTO QOOTO waa fashilantahay! Quote Share this post Link to post Share on other sites
SeaFaringSomali Posted May 12, 2019 Dastuurka Jamhuuriyada Barakeysan muxuu ka yidhi xadhiga xildhibaanka Quote Share this post Link to post Share on other sites