Deeq A. Posted May 11, 2019 Boosaaso (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo goor dhow ka dhacay M/ Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay afafaaka hore ee Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari. Inta la xaqiijiyay waxa qaraxaasi ku dhaawacmay illaa 8 qof oo ay ku jiran Askar ilaalo u ah Maxkamaddaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxani uu ka dhashay Bag Gacmeed, mana jiro illaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga ee Puntland. Al Shabaab iyo Daacish oo weli maamula deegaanada dhaca Buuraleyda gobolka Bari ayaa inta badan weeraro ka geysta deegaanada maamulkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites