Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Dhakool Oo Saaka Maxkamad La Soo Taagay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, oo labada gacmood silsiladi kaga xidhan tahay ayaa saaka la horgeeyay Maxkabadda gobolka Maroodi-jeex.

wararka-dag-dag-1-1.jpg

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex Cabdi Qawdhan, ayaa diiday in uu furo gal dacwadeedka arrinta loo haysto xildhibaanka.


Guddoomiyaha ayaa ku dooday in aannu jirin sharci u ogolaanaya in uu Maxkabadeeyo xildhibaan aan golihiisu xasaanadda ka qaadin “Xildhibaan Dhakool oo saaka maxakamada la hor keenay maxakamadu waxay diiday xadhiga xildhibaanka in la xalaaleeyo ilaa iyo la helo oggolaansho baadhitaan oo ay bixiyaan Gudida joogtada ah ee golaha wakiilada maadama uu fasax ku jiro golaha intiisi kalle. Ciidankuna waxay dib ugu celiyeen saldhigii uu ku xidhnaa,” sidaas waxa yidhi garyaqaan Mubaarik Cabdi.

Ciidamada Booliska ayaa dib ugu celiyay xildhibaanka xarunta CID-da oo uu ku xidhan yahay.


Xildhibaan Dhakool, oo ka tirsan golaha wakiillada ayaa ka soo horjeestay xuska maalinta 18 May oo uu ku tilmaamay maalin madow, kadibna ciidamada ayaa xidhay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this