Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jubaland oo dib ugu laabtay Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1557555662753-1.jpg?w=1000&ssl=1Diyaaradda qaadday Axmed Madoobe oo Garowe ka duulaysa

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa goor dhoweyd ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe isagoo ku sii jeeda magaalada Kismaayo kadib markii uu fashilmay shirkii wada-tashiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ee ka socday Garoowe.

Qodobka ugu weyn ee shirkaasi fashiliyay ayaa sida ilo’ xog-ogaal ah xaqiijiyeen ka abuurmay iska hor-imaad Khamiistii ka dhacay magaalada Kismaayo oo dhexmaray ilaalada musharrax u tartamaya doorashada Jubaland iyo ciidanka amniga dowlad goboleedka Jubaland.

Madaxweynaha Jubaland oo galabtii khamiista fadhiya shirka ayaa lagu wargeliyay dhacdada kadibna waxaa shirka ka dhacay buuq iyo muran u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Jubaland kaasi oo ku dhowaaday in ay isu gacan-qaadan.

Murankaasi kadib sida la sheegay lagu kala dareeray shirka iyadoo aan mar dambe dib la isugu soo noqon kadib markii Axmed Madoobe iyo Xaaf ay diideen shirkaasi.

Madaxda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Jubaland ayaa madaxweynaha Soomaaliya Maxames Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay in uu fara-gelin xooggan ku hayo maamuladooda.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Jubaland oo dib ugu laabtay Kismaayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this