Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahinta: qaraxa ka dhacay magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Faahfaahin horleh ayaa ka soo baxaysa, qarax saaka ka dhacay iridda hore ee maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Bari xarunteeda magaalada Boosaaso.

Qaraxa oo sida la xaqiijiyay lala eegtay gaariga guddoomiyaha maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Bari, Abukar Cabdinuur ayaa waxaa ku dhaawacmay 7 ruux, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka magaalada Boosaaso.

Dadka dhaawacmay waxaa ku jira taliyaha ciidanka ilaalada maxkamadda, shaqaale ka tirsan maxkamadda, askar iyo dad shacab ah oo qaar dhaawacyadoodu liitan, sida ay xaqiijiyeen dhaqaatiirta caafimaadka.

Guddoomiyaha maxkamadda ee gaarigiisa qaraxa lala beegtay, Abukar Cabdinuur ayaan sida la sheegayo gaariga saarneyn wakhtiga qaraxa lala beegsaday.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa iyo cid loo qabtay midna, sidoo kalena laamaha amniga ayaan weli ka hadlin dhacdadaasi.

PUNTLAND POST

The post Faahfaahinta: qaraxa ka dhacay magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this