Deeq A. Posted May 11, 2019 Muqdisho (SMN) – Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiyo Xuseen Axmed ayaa ka warbixisay weeraro saacadihii la soo dhaafay ka dhacay M/Muqdisho. Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa waxa ay ku sheegtay in bac yar oo lagu soo shubay baaruud ay ku qaraxday agagaarka xarunta CID-da. “Qofne waxaba kuma noqon isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ayaa caadi ah” ayey tiri taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa ka dalbatay shacabka Soomaaliyeed in ay ku soo wargaliyaan laamaha amniga wax kasto oo ay ka shakiyaan. Dhanka kale Zakiyo Xuseen Axmed ayaa ka dhashay weerar lagu qaaday xarun ay shirkadda Hormuud ku leedahay xaafadda Seybiyaano ee dgemnada Hodan. Rag buracd ah ayey tilmaamtay in ay fuliyeen weerrajkaasi, islamarkaana ay Toogteen, halka nin sidoo kale ay dhacawen Gabar kale oo shacab ah. Sidoo kale waxa uu intaasi ku dartay in Ciidamada amnigu ay gacanta ku dhigeen 2 ka mid ah Raggaasi iyo Hubkooda. Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa maalmihii dambe waday howlgallo lagu xaqiijinayo amniga guud ee magaalada Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites