Sign in to follow this  
Deeq A.

Xamar Weyne oo xalay guul ka gaartay Warta Nabadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Waxaa xalay tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle, ku loo lamay degmooyinka Warta Nabadda iyo Xamar Weyne ee gobolka Banaadir.

Labada degmo ayaa waxaa dhex maray tartan adag, kuwaas oo u dambeeyey Group B  ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Warta Nabada ayaa la timid 12 buundo, halka Xamar Weyne oo ay guushu raacday ay keensatay dhibco gaaraya 14 .

Xamar Weyne ayaa noqoneysa degmadii afaraad oo badisa, tan iyo markii uu bilowday tartanka.

Caawa tartan aqooneedka Shabelle waxaa ku baratami doona degmada Shangaani ee G/ Banaadir iyo deegaanka Bargaan oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Somalia.

Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle waa shirkadaha Beco iyo Coc-Cola.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this