Deeq A. Posted May 11, 2019 Muqdisho (SMN) – Waxaa xalay tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle, ku loo lamay degmooyinka Warta Nabadda iyo Xamar Weyne ee gobolka Banaadir. Labada degmo ayaa waxaa dhex maray tartan adag, kuwaas oo u dambeeyey Group B ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Warta Nabada ayaa la timid 12 buundo, halka Xamar Weyne oo ay guushu raacday ay keensatay dhibco gaaraya 14 . Xamar Weyne ayaa noqoneysa degmadii afaraad oo badisa, tan iyo markii uu bilowday tartanka. Caawa tartan aqooneedka Shabelle waxaa ku baratami doona degmada Shangaani ee G/ Banaadir iyo deegaanka Bargaan oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Somalia. Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle waa shirkadaha Beco iyo Coc-Cola. View the full article Share this post Link to post Share on other sites