Deeq A. Posted May 11, 2019 Muqdisho (SMN) – Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho kulan ay ku yeeshaan xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Kulankan ayaa qorshuhu yahay in uu hortago wasiirka wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle. Wasiirka ayaa Golaha ka hor akhrin doono hindise sharciyeedka Daqliga oo ay soo diyaarisay wasaaradiisi. Sidoo kale Xildhibaanada BFS ayaa maanta soo gabagabeynaya ka doodista hindise sharciyeedka shirkadaha dalka oo hor yaalay muddo 9 bilood ah. Fahdigan ayaa noqonaya kii 13-aad oo qeyb ka ah Kaldhiga shanaad Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites