Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka magaalada Garowe oo ku dhow fashil

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (SMN) – Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa ku soo warramaya in fashil uu ku dhow yahay shirka maalmihii u dambeeyay uga socday magaaladaasi madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada dalka.

Ilo xog xogaal ah oo ku sugan magaalada Garowe ayaa sheegaya xilli muran xoogan ka dhex aloosnaa dowladda dhexe iyo mamulka Galmudug, haatan uu is qab qabsiga uu ku soo biiray hoggaamiyaha maamulka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay in shirka dhexdiisa uu eed dusha uga tuuray madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C./laahi Farmaajo oo ku aadan in uu wax ka ogyahay xiisada ka taagan magaalada Kismaayo ee u dhexeysa Ciidamada maamulkiisa iyo ilaalada Musharrax C/naasir Seeraar.

Ilo aan rasmi aheyn ayaa sidoo kale ku warramaya in madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe la filayo in maanta uu ambabaxo magaalada Kismaayo, islamarkaana gabi ahaan uu isaga baxo shirkaasi.

Shirka ayaa u muuqda in uu ku soo idlaado is faham waa, iyadoo aan laga soo saarin wax Warmurtiyeed ah, waxaa suuragal ah in madaxweynaha maamulka Puntland oo gogosha shirkaasi fidiyay uu la hadlo Warbaahinta.

Wixii soo kordha kala soco Radioshabelle.com

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this