Sign in to follow this  
Deeq A.

Qatar Oo Sacuudiga Ugu Baaqday In Muwaadiniinteeda Ay U Ogolaato Inay Gutaan Acmaasha Xajka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Doha)-Dowlada Qatar ayaa ugu baaqday Xukuumada Sacuudiga inay xanibaada ka qaado muwaadiniinteeda si ay u soo gutaan waajibaadka Xajka.

155751528482adb.jpg

Wasaarada diinta iyo awqaafta ee dalka Qatar ayaa war saxaafadeed ka soo baxay waxaa lagaga codsaday in sacuudiga uu u ogolaado Xujeyda reer Qatar ee Rajeynaya in ay soo gutaan mid ka mid ah waajibaadka Diiniga.

Dowlada Qatar ayaa intaa ku dartay safarkaan uu waajib yahay si la mid ah dadka kale ee ka imaanaya wadamada dunida ee Xajinaya.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa dhanka kale loogu baaqay in ay joojiso heyb sooca ay ku heyso shacabka Qatar.

Labadan dal ee dariska ah ayaa waxaa dhexmaray qilaaf dhanka diblumaasiyada ah sanadkii 2017-dii.

Xukuumada dooxa ayaa dhanka kale dalbatay in Sacuudiga uu u ogolaato muwaadiniinta Qatar in ee ku nool magaalada Makka iyo Madiina in ay is diiwaan galiyaan si ay uga qeyb qaataan acmaasha Cumrada iyo Xajka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this