Sign in to follow this  
Deeq A.

Suxufiyiin Lagu Afduubtay Gudaha Dalka Liibiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Liibiya)-Labo Saxafi oo u shaqeeya Telefishinka madaxa-bannaan ee Al-axraar ayaa la sheegay in la la’ yahay tan iyo bishan May 2-dii, sida ay sheegtay Hay’adda Caalamiga ee badbaadinta Suxufiyiinta ee CPJ.

SUXUFIYIIN-LAGU-AFDUUBTAY-LIIBIYA.png

Wararku sheegayaan inay ciiddanka u dacaadda ah Taliyaha lagu magacaabo Khaliifa Xaftar ay qafaasheen Suxufiyiintaasi, xilli ay tebinayeen warar ku aadan dagalka ka socda duleedka Tripoli.

Mamaulka Telefishinka Al-axraar waxay sheegeen in Weriye Maxamed Alquruj iyo Sawir-qaade Maxamed Al-shibani bishan 2-dii laga qafaashay Koonfurta caasimadda dalkaasi ee Tripoli, isla markaana ay waayeen Xidhiidhka Suxufiyiintaasi iyo halka ay ku dambeyeen.

Tan iyo markii la waayey Suxufiyiintaasi waxay dibadbaxyo ka bilowdeen magaalladda Tripoli oo lagu codsanayo sii-daynta Suxufiyiintaasi.

Bishii Jenewery ee sannadkan, Sawir-qaade madax bannaan oo lagu magacaabi jirey Maxamed Bin Khaliifa ayaa la dilay isagoo warar ka tebinayey Tripoli.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this